Puntland oo Go’aamo Cusub Ka Soo Saartay Diidmada Lacagta Shilinka (Video/Sawiro)

Magaaladda Garoowe waxaa maanta shir isugu yimid masuuliyiinta  wasaaradda maaliyadda Puntland iyo Bangiga Dhexe oo ay weheliyeen wasiiradda arrimaha gudaha iyo amniga Puntland, waxaana shirka lagu falanqeeyey diidmada lacagta Shilinka Soomaaliga, kala gurideeda iyo sarrifkeeda kala duwan.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Cabdullaahi Siciid Caarshe ayaa warbaahinta u akhriyay qodobadii ka soo baxay shirka, wuxuuna sheegay inaysan jirin meel dowladu ku diiday qaadatashada shilinka Soomaaliga, wuxuuna ugu baaqay shacabka inay qaataan lacagta iyaga oo aan kala gurin.

Qodobadada shirka ka soo baxay.

  1. Lacagta shilinga Soomaaliga waa astaan qaran, dalk kastana astaantiisa qaran waa lacagtiisa, Puntland kama duwana, ciddii ka hor imaatana waxaa qaran dumis.
  2. Dowladda Puntland lacagta SH.So, waxay  ku qaadaa cashuurta, waxayna ku bixisaa Mushaharooyinka ciidamada iyo shaqaalaha dawladda, meel ay ku diidayna ma jirto.
  3. Shacabka reer Puntland waxaa laga doonayaa in ay lacagta sh. so qaataan, iyaga oo aan kala gurin, sarrif kala duwanna looma samayn karo. arrintaas oo aan diin ahaan banaanayn (ribo).
  4. Hay’adaha dowladda ee fulinta shaqadan qaybaha ku leh waxaa laga doonayaa in ay waajibkooda shaqo ka gutaan.

Dhinac kale, Wasiirka Amniga Puntland Col Axmed Dowlad, Wasiirka arrimaha gudaha  Cabdilaahi Cali Xirsi (Timacade)  iyo Guddoomiyaha bangiga dhexe Puntland Cabdi Ismaaciil Boos oo iyana la hadlay warbaahinta ayaa shacabka u diray fariin la mid ah mida wasiirka maaliyadda, waxayna sheegeen in dowladda Tallaabo sharci ah ka qaadi doontoo cidii lagu qabto iyagoo kala guraya lacagta shiling Soomaaliga.

Maalmihii u dambeeyay waxaa magaaladda waaweyne ee puntland  dib uga soo cusboonaaday diidmada lacagta duuga ah ee shiling Soomaaliga,  taasi oo sababtay in mudaharaadyo ay ka dhacaan magaalooyinka Qardho iyo Dhahar ee goboladda karkaar iyo Hayland.


Horseed media 2017