
Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta salaada Ciida waxa uu boqolaal ruux kula dukaday garoonka kubada cagta Ayuub ee kuyaala magaalada Baydhabo .
Amaanka Garoonka Kubada Cagta Ayuub ayaa si weyn loo adkeeyay intii lagu guda jiray dukashada Salaada Ciida, waxaana garoonka ku sugnaa masuuliyiin badan oo katirsan Maamulka Koonfur Galbeed ay ku jiraan Wasiiro iyo Xildhibaano.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Hambalyo ku aadan Munaasabada Ciida u diray umada Soomaaliyeed gaar ahaan dadka kunool Deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed, waxa uuna ilaah uga baryay in sanadkaan kiisa kale ku gaaraan nabad iyo barwaaqo.