(08/08/2016) Madaxweynaha oo wafdi ka socda Jarmalka uga warbixiyay hawlaha doorashada (Sawiro)

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu horkacayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jarmalka u qaabilsan arrimaha dalalka Afrika ee Saxaraha ka hooseeya, Danjire Georg Schmidt.

Madaxweynaha iyo wafdiga ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal, arrimaha doorashada Soomaaliya, dib u dhiska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, amniga gobolka, qaxootiga Soomaalida ee la doonayo in dib dalka loogu soo celiyo, iyo sidii loo soo nooleyn lahaa iskaashiga machadyada mihnadaha laga barto si ay uga faa’iideystaan dhalinyarada Soomaaliyeed.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wafdiga ka codsadey inay salaam ka gaarsiiyaan Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka, Angela Merkel, dowladda iyo shacabka Jarmalka.

Danjire Schmidt oo isna soo dhoweeyay horumarka Soomaaliya ay ku tallaabsatey, isagoo sheegay inuu aaminsan yahay in Soomaaliya ay dib cagaheeda isku taagi doonto, beesha caalamkuna oo Jarmalka ay ka mid tahay ay doorkooda ka cayaari doonaan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ah Musharax u taagan xilka Madaxtinimada, waxaana uu halgan ugu jiraa sidii uu mar kale xafiiska u sii joogi lahaa afarta sano ee soo socota.

Siyaasiyiinta ayaa ka digaya in kala guurka siyaasadeed ee uu dalka galay la isticmaalo ku tagri fal awoodeed, iyadoo Madaxda xilkooda ka sii dhamaanaya.

Guddiga Hirgelinta doorashada heer Federaal ayaa shalay ku dhawaaqay in 30 bisha October ay dhaceyso doorashada Madaxweynaha oo la rumeysan yahay inay u ordayaan Musharaxiin fara badan.

xasan-jarmalxasan-jarmal1xasan-jarmal3