Madaxweynaha Puntland “Puntland Ma-aqbali Doonto Dib u Dhaca Dambe oo ku Yimaada Doorashada Soomaaliya”

Madaxweynaha dowladda Puntland ee faderaalka ka tirsan,Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa sheegay mar kale inaysan qaadan doonin dib u dhac ku yimaada doorashada dalka ka dhacaysa.

Waxuu inta ku darey in dhammaan heshiisyadii ay dhowaan madasha wadatashiga qaranku wada saxiixday ay Puntland sidii loogu heshiiyey uga wada hirgeleyaan xilligi loogu talo galay.

“Puntland ma-aqbali doonto in wax dib u dhac ah oo dambe lagu sameeyo doorashooyinka dadban,”ayuu yiri madaxweyne Gaas oo marka caddeeyay inay u diyaarsan-yihiin doorashada.

Madaxweynaha Puntland ayaa hadalkan ku celiyay markii ay labo mar dib u dhacday doorashada oo hadda la sheegay inay dhacayso dabayaaqada sanadkan.

Waxaa la sugaya maamullada inay soo gudbiyaan xubnaha uga mid noqonaya labada aqal ee baarlamaanka,laakin illaa hadda ma jiro maamul xubnaha soo gudbiyay.

Doorashadan waxaa lugu xasuusan doona dhowr mar oo ay dib u dhacday iyo wax diyaar garow ah oo aan ka muuqaneyn.