Madaxweynaha Soomaaliya & madaxda maamuladda oo Cadaado isagu tagay

Madaxweynaha Soomaaliya & madaxda maamuladda oo Cadaado isagu tagay

  • 29 Maajo 2017

Madaxweynaha Soomaaliya & madaxda maamuladda oo Cadaado isagu tagayLahaanshaha sawirka Madaxtooyada Soomaaliya
Image caption Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo wuxuu hogaaminayey wafuud ka socday labada golle ee Dawladda

Magaalada Cadaado waxaa maanta isagu tagay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo madaxda maamul goboleedyada iyagoo ka qayb galaya xafladda caleemo saarka madaxweynaha cusub ee maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf).

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas), Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed-Madoobe), madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, madaxweyne kuxigeenka HirShabeelle Cali Guudlaawe, xildhibaano ka tirsan golayaasha xukuumadda iyo Baarlamanka Soomaaliya iyo wafuud ka socotay beesha caalamka ayaa ka mid ahaa xubnihii maanta Cadaado tagay.

Madaxweyne Farmajo oo khudbad ka jeediyey xafladaasi ayaa ka hadlay dadaalkii dawladiisu isku dayday heshiisiinta maamulka Galmudug iyo Ahlu-Sunna waxaana uu yiri “Markii aan isku daynay inaan heshiisiinno Galmudug iyo Ahlusuna, waxaan markii hore u yeernay Galmudug, Guddoomiyihii iyo gudoomiye ku xigeenkii baarlamanka Galmudug, Gudoomiyihii wuxuu yiri ‘intaan la gaarin dib u heshiisiinta Ahlu Sunna Waljameeca horta annaga na heshiisiiya ayay dhaheen intaan labada dhinac la heshisiin’, Waa Gudoomiyaha iyo Gudoomiye kuxigeenkii, markii ay heshiiyeen ayaan waxaan u gudubnay Ahlu Sunna Waljameeca iyaduna meel fiican waan gaari lahayn’e waqtigaa nagu yaraaday”

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu kula dardaarmay madaxda Galmudug oo uu ugu horreeyo Madaxweyne Xaaf inay ku dadaalaan dib u heshiisiin, isla markaana ay iska yareeyaan khilaafaadka.

Madaxweynaha Puntland Cabdwali Maxamed Cali Gaas oo khudbad ka jeediyey xafladda caleemo saarka wuxuu kaga hadlay nabadda iyo darisnimmada Galmudug, isagoo sheegay inay kala shaqeyn doonnaan Madaxweyne Xaaf nabad ku wada noolaanshaha.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo hadal ka jeediyey xafladda lagu caleemo saarayey ayaa sheegay in ku dadaali doono dib u heshiisinita isla markaana xilka u qabtay in uu odayeeyo, isla markaana dhibaatada ka jirta Galmudug xal loo helo.

Sidoo kale waxaa hadalo ku aadan dib u heshiisinta, dhibaatooyinka abaaraha, dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo dhismaha ciidamadda Soomaaliya jeediyey madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo madaxweyne kuxigeenka maamulka Hirshabelle Cali Guudlaawe.

Xafladda caleemo saarka waxaa kaloo ka qayb galay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Michael Keating.

Madaxweynaha Soomaaliya & madaxda maamuladda oo Cadaado isagu tagayLahaanshaha sawirka Madaxtooyadda Soomaaliya
Image caption Xafladda waxaa ka soo qayb galay wafuud kala duwan
Madaxweynaha Soomaaliya & madaxda maamuladda oo Cadaado isagu tagayLahaanshaha sawirka Madaxtooyadda Soomaaliya
Image caption Madaxweyne Farmaajo oo Garoonka Cadaado ay ku soo dhaweynayo Madaxweynaha Galmudug
Madaxweynaha Soomaaliya & madaxda maamuladda oo Cadaado isagu tagay