Yaa Ka Dambeeya Howl-Galka Hub Ka Dhigista Ee Muqdisho Ka Socda?

Yaa Ka Dambeeya Howl-Galka Hub Ka Dhigista Ee Muqdisho Ka Socda?

Magaalada Muqdisho waxaa si dar dar leh kaga socda qorshihii Xukuumadda ay ku dhawaaqday ee ahaa hawlgalka hub ka dhigista, iyadoo Saraakiil badan oo dowladda ka tirsan hub ka dhigis lagu sameeyay.

Ciidamada isku dhafka ah ee loo xil saaray hub ka dhigista ayaa lagu arkayaa wadooyinka Magaalada Muqdisho iyaga oo wata gaadiidka dagaalka, sidoo kalena galaya guryaha Saraakiisha ciidamada dowladda iyo masuuliyiinta kale ee dowladda, kana soo saaraya qoryaha culus.

Tan iyo wixii ka dambeeyay todobaadkii hore markii la rasaaseeyay Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir General Axmed Xasan (Maalin) lagana qaaday qori Dabajeex ah oo ay wateen ciidankiisa, waxaa bilowday Saraakiisha qaar inay iska soo dhiibaan hubka culus iyaga oo ka cabsi qaba in la rasaaseeyo.

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre ayaa horay u sheegay dowladda inaysan aqbaleyn in Magaalada Muqdisho dhexdeeda qori dhashiike ah lagu dhex wato.

Gaadiidka ay saaran yihiin masuuliyiinta dowladda, gaar ahaan Wasiirada, Gudoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Saraakiisha ciidanka ayaa dusha waxaa ka saaran kaliya Afar askari oo wata Qoriga Ak-47 ah.

Tan iyo markii la bilaabay qorshaha xasilinta ammaanka Muqdisho, ayaa dadka waxa ay dareemeen nabadgelyo buuxda, inkastoo aanan la ogeyn qorshaha Shabaab ay la aamusan yihiin, maadaama Shabaab looga bartay Bisha Ramadan inay laba jibaaraan weerarada ay fuliyaan.

Si kastaba ha ahaate, Dad badan ayaa soo dhaweeyay qorshaha hub ka dhigista masuuliyiinta dowladda, balse siyaasiyiin badan ayaa arintaasi ku tilmaamay mid aanan habooneyn, xilli Shabaab  ay haystaan hub xoogan, in masuuliyiinta hubkooda laga qaado, iyadoo aysan jirin cid difaaceysa.