Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray magaalada Kampala ee dalka Uganda

Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray magaalada Kampala ee dalka Uganda (Sawirro)

by A M | Wednesday, Jun 21, 2017 

June 21 (Jowhar)— Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda, halkaasoo ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Entebbe ku soo dhoweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Uganda iyo Diblomaasiyiinta Safaaradda Soomaaliya ee Uganda.

Booqashadan ayaa ah tii afaraad ee uu Madaxweynuhu ku tago dalalka Gobolka, isagoo horay u booqday dalalka Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya oo intuba ay ciidamo nabad ilaalin ka joogaan Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu la kulmo dhiggiisa Uganda, iyagoo ka wada hadlaya xiriirka labada dal, ammaanka iyo dagaalka Al-Shabaab.

Waa booqashadii u horeysay ee Farmaajo ku tago Uganda, isagoo Madaxweyne ah, horay waxaa uu booqday, isagoo Ra’iisul Wasaare ahaa, iyadoo sidoo kale is casilaadiisii xilka Ra’iisul Wasaare ee sanadkii 2011 ay sabab u aheyd heshiiskii lagu gaaray Kampala Accord ee dowladda Uganda garwadeenka ka aheyd, xilligaasoo oo madaxdii joogtay is khilaafay.