Meleteriga Ciraaq ayaa sheegay in Daacish ay gubeen masaajidkii Mosul u weeynaa

Meleteriga Ciraaq ayaa sheegay in Daacish ay gubeen masaajidkii Mosul u weynaa

Masjiid Al-nuuriLahaanshaha sawirka AFP
Image caption Masjiid Al-nuuri

Meletriga Dalka Ciraaq ayaa sheegaya in kooxda Daacish ay gubeen masaajidka weyn ee ku yaala magaaladda Mosul. Masaajidkan ayaa lagu magacaabaa Al-Nuri waxaana sidoo kale la gubay goobihii waxbarashada ee masjidka.

Masaajidkan ayaa ahaa halkii looga dhawaaqay magaca ay isugu yeeraan kooxdaasi ee Khilaafada Islaamka.Daacish iyadu waxay sheegaysaa in masjidkan ay gubeen diyaarada Maraykanka maalinimadii shalay ahayd.

Taliye ka tirsan ciidanka Ciraaq ayaa sheegay inay dhowr tilaabo uun ay u jiraan misaajidka