Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo sheegay inay fadeexad tahay sida Maraykanku u dhaqmayi

Madaxweynaha Turkiga Turkey, Recep Tayyip Erdogan, ayaa fadeexad ku tilmaamay go’aanka uu Maraykanku ku xiray ilaalo faraha la galay rabshado rabshado dhacay markii uu booqashada ku joogay magaalada Washington bishii May.

Isaga oo saxafiyiinta la hadlayay salaadii Ciidul Adxa ka dib ayuu madaxaweynuhu sheegay in arrintaasi ay tahay astaanta sida ay u shaqayso caddaaladda Maraykanka.

Muuqaalo kala duwan oo laga duubay goobta ay wax ka dhaceen ayaa muujinaysa ilaalada ammaanka oo Turki ah oo feedh iyo laad la dhacayo mudaaharaadeyaal aan hubaysnayn oo isugu soo baxay qaybta deegaanka ah ee safiirka Turkiga.

Kaw iyo toban ruux ayaa ku dhaawacan tay iska hor imaadkaas.

Taliyaha booliiska Washington wuxuu dhacdadaas ku tilmaamay weerar arxan darro ah.