Madaxweyne Farmaajo oo ku sii jeeda magaalada Khartoum ee dalka Sudan

Madaxweyne Farmaajo oo ku sii jeeda magaalada Khartoum ee dalka Sudan

by A M Tuesday, Oct 3, 2017
October 03 (Jowhar)— Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu booqasho rasmi ah uu ku tago magaalada Khartoum ee dalka Sudan, taasoo qeyb ka ah booqashada uu ku tagay dalalka Gobolka.

 

Dowladda Sudan ayaa kol hore u soo dirtay Madaxweyne Farmaajo martiqaad rasmi ah, iyadoo muddo bilo ah ay Xafiiska Madaxweynaha ay taallay casuumaada.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu hoggaamin doono wafdi ballaaran oo ka kooban labada gole, kuwaasoo maalinta berri oo Arbaco ah u ambabixi doona magaalada Khartoum.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmi doona dhiggiisa Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir, iyagoo ka wada hadli doona xiriirka labada dal, Soomaaliya iyo Sudan ayaa ah labo dal oo saaxib ah, kana dhaxeeya xiriir soo jireen ah.

Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa sheegaya in wafdi horu dhac ah ay gaareen Khartoum, si ay u sii diyaariyaan soo dhoweynta Madaxweynaha ee Khartoum.

Madaxweyne Farmaajo ayaa horay u tagay dalalka Gobolka sida Itoobiya, Kenya, Uganda, Jabuuti, safarkiisa Sudan ayaa ah lugtii 5aad.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii Madaxweyne Farmaajo uu booqasho rasmi ah ku tagay dalka Sacuudiga, taasoo aheyd safarkii 3aad oo sanadkan gudihiis ku tago.