(08/08/2016) Maraykanka iyo Kenya oo ka wada hadli doono Arrimaha Soomaaliya

Madaxda Dowladaha Kenya iyo Mareykanka ayaa bishaan gudaheed ka wada hadli doona xaaladda howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM oo ka socda Dalka Soomaaliya.

Kulankan looga hadlayo howlgalka AMISOM ayaa Magaalada Nairobi waxuu ku dhexmari doonaa Xoghayaha Arimaha Dibadda ee Dalka Mareykanka iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Xoghayaha Arimaha Dibadda ee Dalka Mareykanka, John Kerry ayaa lagu wadaa in booqasho uu ku yimaado Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya.

Sidoo kale, Kulanka Madaxda Dalalka Kenya iyo Mareykanka ayaa lagu faaqi doonaa amaanka iyo Xaalada Gobolka, Xili Al Shabaab ay weeraro ka geystaan qeybo ka mid ah Dalka Kenya.

Dhinaca kale, Afhayeenka Madaxtooyadda Dalka Kenya ayaa shaaca ka qaaday in kulankaasi sidoo kale diirada lagu saari doono Xaalada Dalka Soomaaliya.

Kenya ayaa Ciidamo badan oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM waxey ka joogaan Dalka Soomaaliya, waxaana xusid mudan in Weerar dhacay bishii February in lagu Dilay tobanaan ka mid ahaa Xoogaga Kenya.