(08/08/2016) Ergayga Midowga Afrika oo soo Dhaweeyay Jad-walka Doorashooyinka Soomaaliya ee 2016-ka

Ergayga Ururka Midowga Afrika ee Arrimaha Soomaaliya, Danjire Francisco Madiera ayaa ka hadlay Jadwalka Doorashada Sannadkan 2016-ka, isagoo Sheegay inuu soo dhaweynayo. Danjire Madiera ayaa sheegay iinay ka shaqeynayaan sidii loo hubin lahaa in Doorashada sannadkan dhacaysa ay ku dhacdo si ay ku jirto nabad-galyo iyo xasilooni.

Sidoo kale, Wakiilka Midowga Afrika ayaa xusay inay Taageerayaan Guddiga Hir-gelinta Doorashada sidii ay Doorashada ugu Qaban lahaayeen Hannaan Macquul ah oo hufan, si loo helo baarlamaan cusub, guddoon cusub iyo weliba Madaxweyne cusub.

Wakiilka ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay waqtiga doorashada ay dhici doonto ka faa’iideystaan, ayna ka qayb qaataan Doorashada Golaha Baarlamaanka cusub oo aasaas u noqda baarlamaanka Sannadka 2020-ka oo dalka ay ka dhici doonto doorasho Qof iyo Cod ah. Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Heerka Federaal ayaa soo bandhigay shalay xilliga ay dhici doonto doorashada, iyagoo xusay in saddexda bilood ee soo aaddan ay dhacayaan doorashooyinka oo dhan.

Ugu dambeyn, Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa dhici doonta 25-ka Oktooobar, halka doorashada Madaxweynaha ay dhici doonto 30-ka bisha Oktoobar ee Sannadkaan 2016-ka.