Meydka Ruux la gowracay oo lagu arkay Degmada Tiyeglow

Meydka ruux la gowracay ayaa saaka lagu arkay Degmada Tiyeglow oo ka tirsan Gobolka Bakool, halkaasi oo todobaadkii aan soo dhaafnay ay isaga baxeen ciidamadii Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federalka Somaliya.

Dadka Deegaanka ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay saaka markii ay soo tooseen inay arkeen meydka nin gowracan oo yaala gudaha Degmada Tiyeglow.

Degmada Tiyeglow waxaa gacanta ku haaya ciidamada Ururka Al Shabaab, oo maalintii ay qabsanayeenba labo ruux halkaasi ku dilay.

Xaalad Cabsi oo argagax leh ayaa soo food saartay dadka Degmada Tiygelow ku nool, kuwaasi oo ka cabsi qaba falal kale oo Shabaab ay u geystaan dadka deegaanka.

Al Shabaab ayaa dil iyo xarig u geysta dadka qaar oo ay ku eedeeyaan inay xiriir la lahaayeen ciidamadii Itoobiya ee ka baxay deegaanka iyo kuwa Dowladda.