Michael Keating oo sheegay in 6-da bisha November 2016, waxii ka dambeeya uusan xilka sii heyn karin Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.

Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michael Keating ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku sheegay in 6-da bisha November 2016, waxii ka dambeeya uusan xilka sii heyn karin Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.

Michael Keating ayaa tilmaamay in waxii ka dambeeya 6-da bisha November Baarlamaanka Soomaaliya iyo Dowlada inteeda kale aysan lahaan doonin awood ay ku qaadan karaan sida uu tilmaamay go’aano waa weyn.

Warqada uu soo saaray Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa loogu yeeray Hogaamiyaasha Madasha Wadatashiga Qaran ee shirka ugu furmayo Muqdisho in ay soo saaraan taariikhda rasmiga ah ee xilka ugu egyahya Madaxweynaha Soomaaliya.

”Waxaan ka rabnaa Hogaamiyaasha Madasha in ay la yimaadaan soona saaraan taariikh cad oo muujineysa xiliga uu ku egyahy Waqtiga uu kursiga sii fadhinayo Madaxweynaha Soomaaliya, waxaan kaloo rabnaa in la cadeeyo in doorashada Madaxtinimo in ay dhaceyso 30-October, ” Ayuu yiri Danjire Keating .

Xiliga Rasmiga ahee Madaxweynaha Soomaaliya uu xilka heyn lahaa kaliya waxaa ka harsan afar maalin waxa ayna ku egtahay 10-ka bishan , waxaan Hogaamiyaasha Madasha ay horey u shaaciyeen in Madaxweynaha xilka heyn doono ilaa laga helo Madaxweyne kale oo badala.

Baarlamaanka Soomaaliya oo isna waqtigiisu ku ekaa 19-ka bishii hore ee AGoust ayaa horey u ansaxsaday in aysii joogayaan ilaa laga helo Baaralamaanka kale oo badala, waxaana muuqaneyda dowlada hada jirta in ay sii shaqeeneyso ilaa laga helayo Dowlada kale oo badasha.