Qunsulka Dowlada Ethiopia u fadhiya Puntland oo khudbad ka jeediyay furitaankii kalfadhiga 38aad ee Baarlamanka Dowlada Puntland – VIDEO

Qunsulka Dowlada Ethiopia u fadhiya Puntland Ashmalaash oo maanta khudbad kooban ka jeediyay furitaankii kalfadhiga 38aad ee Baarlamanka Dowlada Puntland ayaa sheegay inuu cadeynayo dagaal kasta oo dhaca in looga gardaran yahay Puntland, Islamarkaana uu aaminsan yahay in mar kasta lasoo weeraro Shacabka iyo Dowlada Puntlan

Waxa uu intaas ku daray Asmalaash inuu ku rajo weyn yahay sidii uu wax uga qaban lahaa Madaxweynaha Puntland Cabdwali Maxamed Cali Gaas xal ka gaarista khilaafka ka jira magaalada Gaalkacyo.

“Runtii intii uu maqnaa Madaxweynaha Puntland waxaa dhacay Isku dhacyo geystay khasaare naf iyo maalba leh, Waxaan halkaan idinka cadeynayaa inay deg deg wax uga qabato arrinta ka dhex jirta Dowlada Puntland iyo Galmudug, Islamarkaana bilowdo wada hadal labada dhinac haddana gacanta ayaa kula jirnaa“ Ayuu yiri qunsul Asmalaash.

Itoobiya ayaa ka mid ah dowladaha saamaynta ku leh xal ka gaarida khilaafka iyo mashaakilada ka jirta dalka Soomaaliya, waana masuulkii ugu horeeyey oo ka tirsan Itoobiya oo ka hadla tan iyo markii xiisad u dhaxaysa Galmudug iyo Puntland ay ka abuurantay bilo ka hor magaalada Gaalkacyo.

Daawo Khudbada Asmalaash.