Wafti uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland oo u kicitimay Dubia

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxaa safarkiisa ku weheliyay masuuliyiin ka tirsan golayaasha Dawladda Puntland iyo saraakiil kamid ah madaxtooyada Dawladda Puntland.

Safarka Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa salka ku haya qorshayaashiisa horumarineed ee ku aadan kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland isagoo magaalada Abu Dubai uga qayb geli doona shir ku saabsan arrimaha ganacsiga, kaabayaasha dhaqaalaha iyo siyasadda Soomaaliya iyo arrimaha geeska africa..

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku howlan ka mira dhalinta qorshaha xukuumaddiisa uga degsan horumarinta guud ahaan deegaanada Puntland, tayaynta kaabayaasha dhaqaalaha iyo wanaajinta xiriirka caalamiga ah ee ay Dawladda Puntland la leedahay beesha caalamka.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa lagu wadaa in safarkiisa uu ku aaday dalka Isu Tagga Emaaraadka Carabta uu qaato mudo kooban oo dhowr maalmood ah kadibna uu dib ugu soo laaban doono caasimadda Dawladda Puntland ee magaalo madaxda Garoowe.

–DHAMMAAD–

 

 

img001 img002 img003 img004 img005 img006 img007 img008 img009 img010