(August 17,2016) Sacuudiga Oo Hotelka dunida ugu weyn dhowaan la furayo & lacagta ku baxday dhismihiisa oo la shaaciyey ( Sawiro)

Magaalada barakeysan ee Maka Al-Mukarama ee wadanka Sacuudiga ayaa lagu wadaa bilowga sanadka soo socda ee 2017-da in laga furo hotelka ugu weyn caalamka oo dhan.

Aduun lacageed oo gaareya 2.5 Bilyan oo Giniga Istarliinka Ingiriiska una dhiganta (Saddex kun iyo laba boqol oo milyan oo dolar) ayaa ku baxeysa dhismaha hotelkan oo dhex jibaaxayaa daruuraha.

Injineero caalami ah ayaa ku howlan dhismaha hotelkan oo qeybo ka mid ah la dhameystiray, heer gebogebo ahna maraya, wuxuuna ka kooban 10 kun oo qolal jiif ah iyo 70 maqaayad oo laga cunteeyo, waxaana ku degi kara diyaaradaha helikobtarka iyo kuwa yaryar.

Shan ka mida dabaqdyada hotelka waxaa loo gaar yeelay oo kaliya oo degaya qoyska reer Boqor, waxaana dhismaha hotelkan maalgelisay Wasaaradda Maaliyada Boqortooyada Sacuudiga.

Hotelkan oo lagu magacaabo Abraj Kudai ayaa wuxuu 2-km oo kaliya u jiraa Xaramka barakeysan ee Maka.

Dhaqaalaha faraha badan ee ku baxaya Dhismaha hotelkan ayaa ku soo aadaya xili dhaqaale xumo ay la soo deristay wadanka Sacuudiga ka dib markii qiimaha shidaalka caalamka uu dhulka galay, waxaana mashuuracan dhaliilay qaar ka mid ah shacabka wadankaas oo qoyska boqortooyada ku eedeeyey iney dhaqaalaha wadanka si nacasnimo ah ugu takrifalayaan xili qaar ka mid ah dadweynahooda uu faqrigu dilooday.

Sacuudiga ayaa sidoo kale ku howlan dhismaha Kingdom tower oo noqonaysa daarta aduunka ugu dheer oo dhererkeedu kor u u dhaafayo 1-km taasoo dhismaheedu ka socdo xeebta magaalada Jeddah.

Daartani oo dhismaheeda uu ku baxayo Balaayiin dollar ayaa waxay dhowr boqol oo mitir dheer tahay Burj Khalifa Tower oo ku taalla magaalada Dubai oo xiligan ah daarta caalamka ugu dheer.