(August 17,2016) Shirka Ganacsiga Soomaaliya iyo Masar oo ka furmay Muqdisho

Wasaaradaha ganacsiga iyo maal-geahiga  dawladaha Soomaaliya iyo Masra ayaa maanta oo shalay uga furmay magaalada Muqdisho shir mudo todobaad ah soconaya, kaasoo looga hadlayo arrimaha ganacsiga.

Shirkan ayaa waxaa ka qayb galaya Rugta ganacsiga Soomaaliyeed iyo Shirkadda korontada ee BECO iyo Rugta ganacsiga Masar iyo Midowga maalgashatada dalkaas iyo ganacsato kale oo labada dal ah.

Wasiirka Ganacsiga dowladda Soomaaliya C/rashiid Maxamed ayaa sheegay in shirka noocan ah uu macno wayn u leeyahay shacbka labada dal iyo ganacsatadooda ee uu ganacsiga ka dhaxeeyo.

Safiirka Masar Waliid Maxamed ayaa dhankiisa muujiyey sida uu uga faraxsan yahay bogga cusub ee u furmay ganacstada labada dal.

Xubno ka kale socday ganacsatada labada dal ayaa iguna ka hadlay madasha waxa ay ku soo bandhigeen samples(Nuqulo) kamida badeecooyinka ay ka ganacsadaan.

Talaabadan ayaa ah mid muhiim ah oo labada dawladood iyo ganacsatooda kawada faa’idi doona mustaqbalka dhaw.

ganacsi-masar ganacsi-masar1 ganacsi-masar2 ganacsi-masar3 ganacsi-masar4 ganacsi-masar5 ganacsi4

Like it? Share it!