(September 01.2016) Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo la kulmay madaxa howlgalka midowga Yurub ee la dagaalanka burcad badeedda.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa maanta kulan la qaatay madaxa howlgalka midowga Yurub ee la dagaalanka burcad badeedda Major General Rob Margowan, ayagoona kawada hadlay sidii loo ciribtiri lahaa kooxaha burcad badeedda.

Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa sheegay in xukuumada ay kasoo horjeedo kooxaha burcad badeedda islamarkaana ay dooneyso in la la dagaalamo, si loo ciribtirana ay muhiim tahay iin shaqo abuuris loo sameeyo dhalinyarada.

‘’Xukuumad ahaan waxaan diyaar u nahay inaan isu kaashano la dagaalanka kooxa burcad badeedda, si aan u joojino dhalinyarada ku biireyso kooxahaas; waa inaan isku kaashanaa sidii shaqo abuuris loogu sameeyn lahaa dhalinyarada degan dhul xeebeedka ee ay u sahlantahay iney ku biiraan kooxahaas’’.

Mudane Carteh ayaa sidoo kale uga mahadceliyay howlagalka midowga Yurub ee la dagaalanka burcad badeedda sida ay uga go’antahay in badda Soomaaliya ay noqoto mid xur ka ah burcada.

‘’Waan idinkaga mahadnaqayaa sida aad ugu dadaaleysaan ka sifeynta kooxa burcada badda Soomaaliya oo muhiim u ah qaaradda iyo aduunkaba’’.

Ugu dambeyntii RW Ku xigeenka Mudane carteh ayaa ku dhiirageliyay sarkaalka ka socday midowga Yurub in ay laba laabaan howshooda.

—–DHAMAAD—–