(September 02,2016) Madaxweynaha dalka Venezuela Nicolas Maduro oo sheegay in uu ka hortagay afgambi

Madaxweynaha dalka Venezuela Nicolas Maduro, ayaa sheegaya in dowladdiisa ay ka hortagtay isku day uu mucaaradka dalkaasi ay doonayeen in ay ku abuuraan rabshado iyo burbur hantiyeed.

Magaala madaxda dalkaasi ee Caracas ayaa waxa shalay ka dhacay dibad baxyo isdiidan oo ay dhigayaan boqolaal kun oo qof oo qaarna ay taageerayaan dowladda madaxweyne Maduro qaarna ay ka soo horjeedaan.

Hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa sheegaya in ay isu soo bexeen in kabadan hal milyan oo qof, arrintaa oo noqonaysa isu soo bixii ugu ballaarnaa muddo labo sano ah.

Madaxweyne Maduro ayaa sheegay in dibad baxani uu qayb ka ahaa isku day lagu doonayay in lagu afgambinayo dowladiisa

Kooxaha mucaardka ayaa doonaya in dalkaasi ay ka dhacdo afti lagu soo afjarayo xukunka madaxweyne Maduro, waxa ayna ku eedeynayaan madaxweynaha dhibaatada dhaqaale ee dalkaasi ka jirto.

Haseyeeshee taageerayaashiisa ayaa sidoo kale gudaha magaalada caasimadda ah ee Caracas waxa ay ka dhigeen dibad baxy weyn oo ay isaga ku taageerayaan