(September 02,2016) Milkiilaha Facebook Zuckerberg oo qasaare kala kulmay booqashadiisa dalka Kenya

Aasaasaha booga caanka ah ee Facebook Mark Zuckerberg ayaa booqasho kedis ah ku tegey dalka Kenya hase yeeshee waxa ay ku soo beegantay iyadoo maanta uu ku burburay dayaxgacmeed uu doonayay in ay dalalka Afrika ay ku helaan internet lacag la’aan ah.

Dayax-gacmeedkan ayaa waxaa baabi’iyay maanta markii uu qarxay dayax gacmeed hawada loo ganayay SpaceX Falcon 9 oo lagu tijaabinayay xarunta Cape Canaverl ee Florida,

“Anigoo jooga Africa ayaan si aad ah uga xumahay in SpaceX uu burburiyay dayax-gacmeedkeygii kaasoo u sahli lahaa dad badan oo ku nool caalamka inay wada xiriiraan,”ayuu aasaasaha Facebook ku qoray boggiisa.

Hase yeeshee Mr Zuckerberg ayaa weli niyadiisu ay xoogan tahay waxana uu sheegay in uu cilmiga cusub ee Aquila uu dabooli doono qorshihiisa.

“Nasiib wanaag waxaan sameeynay farsamo cusub oo aan ugu magac darnay Aquila kaasoo isku xiri doono dadka. Waxaa naga go’an in aan shaqeyno illaa aan qof walba uu u helayo fursad uu dadka kale kula xiriiro.”ayuu sii raaciyay.

Aquila waa diyaarad ku shaqeynaysa iftiinka qoraxda ama cadceeda waxana la qorsheynayaa in internet lacag la’aan ah ay siiso dalalka meelaha fogfog ku yaal caalamka oo ay Afrika ka mid tahay.

32-sano jirkan Bilyaneerka ah ayaa la sheegay in uu kula kulmayo dalka Kenya aqoonyahano reer Kenya ah, waxana uu sheegay in uu doonayo in uu ka barto aqoonta lacagaha mobaylka la isugu diro.

FACEBOK (1)

FACEBOK (2)

FACEBOK (3)