(September 03,2016) Xaflad lagu daahfurayay adeegyo casri ah oo Amal Bank soo kordhiyay oo lagu qabtay Muqdisho – SAWIRO

Xaflad lagu daahfurayay adeegyo cusub oo casri ah oo uu bangiga Amal oo ka mid ah bangiyada ugu facaweyn leh ee hay’adaha maaliyada Soomaaliya ugu talogalay macaamiisha ayna ka soo qeybgaleen maamulka sare ee bangiga iyo macaamiishiisa ayaa maanta lagu qabtay hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Amal Bank ee Gobollada Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya (South and Central Somalia) Sh. Cabdiweli Muuse oo ka hadlay munaasabadan ayaa ka warbixiyay taariiqda iyo maraaxiisha kala duwaneyd ee uu bangiga Amal soo maray   isagoo xusay in markii u horraysay oo bangiga Amal uu bilaabay adeegyada bangiga oo ku beegnayd sannadkii 2000 in aysan jirin kombuyuutarro iyo software midkoodna oo la adeegsan jirey diiwaan.

Sh. Cabdiweli wuxuu tilmaamay in sidoo kale guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan gobollada Bartamaha iyo Soomaaliya ay ka jireen xaalado siyaasadeed oo aan fududayn ayna adkeyd in adeegyo maaliyadeed si fudud looga hirgeliyo Soomaaliya.

Sh.Cabdiweli wuxuu tilmaamay in uu ku faraxsanyahay in nidaamkii 16-sano ka hor ku soo bilaabmay diiwaan iyo duruufo amni oo adag in uu maanta soo bandhigayo adeegyo bangi oo casri ah.

Saciid Cali Shire, Maamulaha Guud ee Bangiga Amal (Amal Bank CEO), oo madasha ka hadlay ayaa ujeeddada xafladda loo qabtayku soo koobay inay tahay saddex qodob: (1) mahadnaq; (2) warbixin; iyo (3) codsi. Dhinaca mahadnaqa Saciid wuxuu u mahadnaq ay macaamiishii muddada dheer Bangiga Amal ku ammaanaystay maalkooda, xogtooda iyo sirtooda.

Dhinaca warbixinta, Saciid wuxuu tilmaamay in bangiga Amal uu adeegyo badan oo casri ah uuu diyaariyey macaamiishiisa kala duwan. Adeegyada Saciid soo bandhigay waxaa ka mid ahaa adeegyo ku habboon qofka, kuwo ku habboon qoyska, kuwo ku habboon sharikaadka yar-yar, kuwo ku habboon sharikaad ka dhexe iyo kuwa waaweyn iyo kuwo ku habboon qurbojoogta. Dhinaca dhigaalka (deposit), Saciid wuxuu xusay in bangigu macaamiisha u diyaariyey xisaabaad kala duwan oo ku habboon baahiyohooda maaliyadeed. Xisaabaadka Saciid xusay waxaa ka mid ahaa xisaabta socota, xisaabta keydka iyo xisaabta maalgashiga. Dhinaca maalgelimahana, Saciid wuxuu xusay in ay macaamiisha u diyaariyeen habab kala duwan oo maalgashi oo ku habboon qofka, qoyska, sharikaadka iyo hey’adaha intaba.

Saciid wuxuu sidoo kale tilmaamay in bangigu macaamiisha u diyaariyey adeegyo kala duwan oo ay kula socon karaan keydkooda kuna fushan karaan hawlohooda. Adeegyada Saciid tilmaamay waxaa ka mid ahaa: adeegga ‘online banking’, adeegga ‘POS-agent banking’, adeegga ‘Mobile banking’, iyo adeegga ‘SMS banking’.

Suleymaan CabdiDucaale, Guddoomiyaha Board-ka Bangiga Amal, oo isna madasha ka hadlay, ayaa ku dheeraaday dowrka ay bangiyadu kaga jiraan horumarka bulshooyinka iyo ahmiyada ay u leeyihiin casriyaynta iyo cusboonaysiinta nolosha. Suleymaan wuxuu tilmaamay in bangi la’aantiis aan bulsho sina ku horumarin. Suleymaan oo ah khabiir muddo dheer ka shaqaynayey bangiyo Islaami ah oo ku yaalla waddammada Sacuudiga, Switzerland iyo Boqortooyada Ingiriiska ayaa tilmaamay in ahmiyadda ugu weyn ee uu waddanka ugu soo laabtay ay la xiriirto qaneeco uu ku qancay hannaanka maammul iyo habsami u socodka shaqo ee Bangiga Amal.

Guddoomiye Suleymaan ayaa si qoto dheer uga warramay ahmiyadda ay leedahay iyo faa’iidooyinka kujira in qofka, qoyska iyo sharikaadku keyd yeeshaan.Dadkii kale ee madashaas ka hadlay waxaaka mid ahaa guddoomiye ku xigeenka Rugta Ganacsiga Soomaaliya, xoghayaha ururka Xawaaladaha Soomaaliya iyo dad macaamiilka ah Bangiga Amal.

Guddoomiye kuxigeenka Rugta Ganacsigu Abdirahman Abdullahi Galaambi oo aad u soo dhoweeyey guud ahaan hey’adaha maaliyadda, gaar ahaan Bangiga Amal, wuxuu tilmaamay ahmiyadda ay bangiyadu u leeyihiin horumarka waddanka, wuxuuna ammaanay mulkiilayaasha bangiyadaas. Sidoo kale guddoomiye kuxigeenku wuxuu dhiirrigeliyey in mashaariic horumar oo xoog weyn oo shaqo abuur samayn kara in bangiyadu maalgeliyaan

1

3

6 8

10

12

18