Soomaali ku xiran Uganda oo codsaday in damaanad lagu sii daayo

7 ruux oo Soomaali ah oo loo haysto innay ka tirsanaayeen ururka Alshabaab ayna qorsheynayee inay weerar qaraxyo ah ka geystaan dalka Uganda ayaa codsaday in damaanad lagu sii daayo.

Muwaadiniintan Soomaaliyeed ayaa muddo labo sano xabsi ku jirey iyadoo aan la horgeyn maxkamad. Codsiga ah in lagu sii daayo damaanad ayaa waxa ay ku sababeeyeen maxaabiistan inaysan wanaagsanayn xaaladahooda caafimaad ayna u baahan yihiin daryeel caafimaad inay helaan.

Dadkaan ayaa laga soo qabtay hotel Kisenyi magaalada Kampala September 2014 kadib markii dad ku nool deegaanada ku dhowdhow hotelka ay ku eedeeyeen inay qorsheynayeen inay qaraxyo ka geystaan dalka Uganda iyagoo taageeraya ururka Alshabaab.

Muwaadiniintan Soomaaliyeed ee ku xiran dalka Uganda ayaan ahayn markii ugu horeysay ee ay dalbadaan in damaanad lagu sii daayo dhamaadkii 2014 ayay ahayd markii ay sidan oo kale u codsadeen in damaanad lagu sii daayo hase yeeshee waa laga diiday.

Dhagaysiga codsiga damaanada ayaa la rajeynayaa in 29ka bishan la dhagaysto lamana oga in maxkamada ay aqbali doonto codsigooda.