Taliyaaniga iyo Spain oo barbar dhac galay kullan ka mid ah isreebreebka koobka adduunka.

Xulka qaranka ee dalka Taliyaaniga ayaa ciyaartoyda Spain ku hakiyay barbardhac, kullan ka mid ah ciyaaraha loogu soo baxayo koobka adduunka ee 2018ka.

Taliyaaniga oo goolka looga hormaray ayaa waxaa badbaadiyay gool uu dhammaadkii ciyaarta dhaliyay Daniele de Rossi, kaas oo ahaa gool ku laat ama rigooro.

Ciyaarta waxaa aad ugu wanaagsanaa Spain qeybtii koobaad, laakiin waxay laacibiinteeda ku guuldareysteen inay gool dhaliyaan.

Balse qeybtii labaad markii 55 daqiiqo ay mareysay ayaa waxaa gool u dhaliyay Vitolo, kaddib markii gool haya Gianluigi Buffon celin waayay kubadda.

Si joogto ah ayaa weerar loogu hayay Taliyaaniga, hase yeeshee, markii Sergio Ramos uu jallaafeeyay Eder, rigooro ayaa la siiyay Taliyaaniga.

De Rossi ayaana dhaliyay goolka, taas oo Taliyaaniga uga dhigeysa inaan marna laga badin intuu isreebreebka socday, 52 kullan ayey ciyaareen.