(09/08/2016) Taliyaha Nabadsugida Qaranka Jen. C/llaahi Gaafow Maxamuud oo amar ku bixiyay in la qaato Kaararka aqoonsiga (Sawiro+Video)

Taliyaha Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Jen. C/llaahi Gaafow Maxamuud ayaa amar ku bixiyay in la qaato Kaararka aqoonsiga ee loo yaqaano Teesaro Munishiibiyo, isagoo faray Maamulka Gobolka Banaadir inay sida ugu dhaqsiyaha badan u dhaqan geliyaan amarkan.

Shir jaraa’id wada jir ah ayaa Taliyaha Hey’adda Nabadsugida iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ku qabteen magaalada Muqdisho, waxayna kaga hadleen amarkan cusub oo ay ku tilmaameen in looga gol leeyahay sugida amniga.

Jen. C/llaahi Gaafow ayaa ugu baaqay dhamaan bulshada ku nool Gobolka Banaadir inay qaatan kaararka aqoonsiga, isagoo xusay in cidii aan qaadan aanay wax walba u fududaan doonin.

“Dhamaan Bulshada ku nool Gobolka Banaadir, waxaa la farayaa inay qaataan warqada aqoonsiga laga bilaabo maanta, si gaar ah waxaa loo farayaa Jaamacadaha, Iskuulada in aysan diiwaan gelin arday qaan-gaar ah oo aan wadin warqada aqoonsiga, sidoo kale goobaha ganacsiga sida hotelada waxaa la farayaa in aysan la macaamili karin cid aan wadan warqada aqoonsiga”ayuu yiri Taliyaha Hey’adda Nabadsugida.

Sidoo kale Taliyaha ayaa ugu baaqay Maamulka Gobolka Banaadir inay muwaadiniinta Soomaaliyeed u fududeeyaan helitaanka warqada aqoonsiga, taasoo uu xusay inay ku xiran tahay nabadgelyada.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay inay dhaqan gelinayaan amarka ka soo baxay Hey’adda Nabadsugida.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in afar degmo oo ku yaala Gobolka Banaadir ay dadweynaha ka qaadan karaan kaararka aqoonsiga.

“Amarkaas waa qaadaneynaa, waarna fududeyneynaa, waxa nooga aadan ayaa ka gudaneynaa, shacabkana waxaa la rabaa in iyagana waxa uga aadan inay gutaan iyo laamaha amniga, dalka doorasho ayuu galayaa marxalad aad iyo aad u culus ayuu galayaa, sida lagu kala garan lahaa dadka magaalada degan, waa inoo qofka aqoonsigiisa wataa, xarunta dad dhigista degmooyinka ayaa saacad walba shaqeynaya, dadkana mar walba oo ay tagaan ayay ka heli karaan kaararka aqoonsiga”ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Amarkan ka soo baxay Taliyaha Nabadsugida ayaa la ogeyn sida uu ku dhaqan gali doono, waxaana dowladda Hoose ay sanado ka hor u bilowday bixinta kaararka aqoonsiga ee dhalashada, kaasoo lagu qaadanayay baasaboor, balse kaararkan cusub ayaa la ogeyn waxa uu ka duwan yahay kuwii horay loo bixin jiray.

Taliyaha NISA Taliyaha NISA11 Taliyaha-nisa3 Guddoomiyaha