(09/08/2016) Dowladda Turkiga oo ka codsatay Maraykanka inay soo masaafuriso Fathulleh Gulen hadii kale xidhiidhkoodu xumaan doono

Dowladda Turkiga ayaa maanta uga digtay Mareykanka in haddii aysan soo masaafurin wadaadka degan gobolka Pennsylvania ee Fathulleh Gulen, in taasi ay dhaawac xooggan gaarsiin doonto xiriirka labada dal.

“Haddii Mareykanka uusan soo gacan gelin Gulen, waxay taas macnaheedu tahay in xiriirka labada dal ay ka doorteen argagixiso” Waxaa sidaas yiri wasiirka caddaaladda Turkiga Bekir Bozdag, oo wareysi bixiyey.

Dowladda Turkiga ayaa si soo noq noqosho leh ugu cadaadineysa Mareykanka inay soo dhiibaan Fethullah Gulen tan iyo 15-kii bishii July, markaasi oo oo uu dhacay afgambigii dhicisoobay ee dalkaas.

Toddobaadkii tagay ayaa garyaqaano matalaya Gulen waxa ay sheegeen in dowladda Turkiga aysan hayn wax caddeyn ah oo muujinaya in Gulen uu ku lug lahaa afgambiga, sidaa darteedna ay tahay inaan la masaafurin.

Xukuumadda Washington ayaa ku adkeysatay si hanaan masaafurin loo billaabo ay qasab tahay in Turkiga uu bixiyo caddeymo muujinaya in Gulen uu ku lug lahaa afgambiga.