Taliyihii Ciidamada Uganda ee Janaale oo dalbaday in damiin lagu sii daayo

Taliyihii hore ee Ciidamada Uganda ee deegaanka Janaale oo Maxkamadeyntiisa ay ka socoto dalka Uganda ayaa Maxkamada ka codsaday in ay sii deyso isagoo ka cabanaya xaalad caafimaad darro oo soo wajahay.

Col Bosco Mutambi oo ahaa taliyihii qaybta Janaale ee Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda ayaa lagu eedeeyay in uu dayacay Ammaanka  19 Askari  oo Al Shabaab ay ku dileen xeradooda kadib weerar ay ku qaadeen halkaasi Bishii September ee sanadkii hore.

Col Mutambi ayaa lagu haystaa labo qaladaad oo uu  ka galay ciidamada intii uu ka howl galayey Somalia .

Mr mutambi ayaa Maxkamada ka codsaday   in ay sii deyso maadaama uu qabo xanuuno ay ka mid yihiin Cudurka Dhiig karka isagoo intaas ku daray inuu u baahanyahay daweyn iyo daryeel  gaar ah.

Col Mutamba oo caan ka ah dalka Uganda ayaa u soo shaqeynayey ciidamada Milateriga dalka Uganda Muddo ka badan 30 sano.