Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Muungaab oo loo magacaabay wasiiru dowlaha caddaalada

Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa goor dhow loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Caddaalada.

Xasan Maxamed Xuseen oo hore loogaga qaaday xilka guddoomiyaha iyo duqa magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhowaanahan isa soo tarayay warar sheegaya in loo magacaabayo wasiir.

Warar ay heshay Jowhar.com ayaa sheegaya in Muungaab lagu magacaabay wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Lama oga sababta keentay in loo magacaabo xil wasiirnimo, iyadoo haatan lagu jiro xilli kala guur ah oo la rajeynayo in la qabto doorashooyin.

27 Febraayo 2014, wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa lagu magacaabay inuu noqdo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho.

Hase yeeshee waxaa xilka guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo weliba tan duqa magaalada Muqdisho laga qaaday bishii Oktobar 2015.

Tan iyo xilligaas ayaan jirin wax xil ah oo uu hayay General Muungaab oo hore u soo noqday guddoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida.