Turkiga oo niyad xumi ka muujiyay fara gelinta shisheeye ee doorashooyinka Soomaaliya

Safiirka Turkiga u qaabilsan Soomaaliya Amb. Olgan Bekir ayaa la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Federaalka Hirgelinta doorashooyinka dadban Avv. Cumar Dhagey, iyagoo ka wada hadlay doorashooyinka dhowaan ka dhacaya dalka.

Kulankan oo khamiistii ka dhacay xarunta Safaaradda Turkiga ayaa looga halday sida loogu guuleysan karo caqabadaha amni iyo mid dhaqaale ee ka hor imaanaya doorashooyinka.

Safiirka ayaa sida muuqata niyad xumi ka muujiyay fara gelinta shisheeye ee howlaha geeddi socodka doorashooyinka Soomaaliya iyo qaabka ay maamulayaan sida lagu qoray barta Facebook ee Safaaradda Turkiga ee Muqdisho.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Avv. Cumar Dhagey ayaa u xaqiijiyay Safiirka Turkiga inay ka go’an tahay in doorashada ay ku dhacdo hab cadaalad ah.

Turkiga oo xilligan galaan-gal weyn ku leh Soomaaliya ayaa muuqata in wax door ah ku laheyn arrimaha doorashooyinka, marka loo eego fara gelinta isa soo tareysa ee dalal badan ku leeyihiin doorashooyinka.

Sidoo kale waxaa muuqata in dowladda Turkiga ay tartan adag kala kulmeyso Imaaraadka Carabta oo xilligan u muuqda mid saameyn ku yeelanaya Siyaasada Soomaaliya.

Dowladda Turkiga ayaa ah dowlada kaliya ee sida toos u taageerta dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana ay ka qeyb qaadatay mashaariic kala duwan oo ay ka fulisay Muqdisho iyo meelo ka mid ah Soomaaliya.

turkish