Weerar argagixiso oo xalay ka dhacay Pakistan iyo 57 ruux oo u badan arday boolis oo ku dhimatay

Ugu yaraan 57 ruux oo u badan arday boolis iyo ciidamada xoogga dalkaasi ayaa ku dhintay weerar argagixiso oo xalay lala eegtay iskuul lagu tababaro ardayda booliska noqoneysa kaas oo ku yaal magaalada Quetta ee dalkaasi Pakistan.

Saddex ruux oo ku hubeysan qoryo cul-culus iyo suumanka ismiidaaminta ayaa weerarka geystay, waxaana inta badan dadka geeriyooday ay dhinteen markii ay isqarxiyeen dableyda.

Markii uu weerarka dhacayay waxaa iskuulka ku sugnaa tiro kor u dhaafeysa 700 oo arday boolisnimo laa tababarayay.

Wasiirka arrimaha gudaha dalkaasi ayaa sheegay weerarka kaddib in mid ka mid ah dableysa ay dileen ciidamada, halka labada kalena ay isqarxiyee.