Wasaarada Amniga oo Sheegtay in Rag katirsan Al-Shabaab ay ku qabatay Garoonka Muqdisho

Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa sheegtay in la xoojiyay amaanka dalka islamarkaana gacanta lagu dhigay Shabakado ay la xiriiriyeen Xarakada Al-Shabaab oo Soomaliya ka dagaalanta.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaliya C/risaaq Cumar Maxamed  oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in laamaha amaanka dalka ay ku guuleysteen in ay dhowr jeer oo hore  qabtaan shabakado xiriir la leh Xarakada Al-shabaab, bishaan gudaheeda ayuu sheegay in garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee Adan Cadde laga qabtay dhowr shabakad oo doonayay in ay ka dhoofaan Garoonka.

“Runtii waxaan rabaa in aan ka hadlo arinta doorashada Soomaliya sanadkaan ka dhacaysa, waxaa dhowr jeer oo hore laamaha amaanka ay qabteen shabakado xiriir la leh Al-shabaab bishaan gudaheeda waxaa sidoo lagu guuleystay in la qabto labaatameeyo shabakado ah oo xiriir la leh  Al-shabaab, waxaa inoo sahlay in aan qabano system-ka Imigarition-ka oo sheegay in ay yihiin Passaporada ay  wataan kuw aaan rasmi ah aheyn”, ayuu yiri Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaliya.

Sidoo kale Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaliya Mudane C/risaaq Cumar Maxamed   ayaa sheegay in Garoomada diyaaradaha Maamul Goboleedyada dalka ka jira ay sidoo kale ku qabteen mudooyinkii dambe Shabakado xiriir la leh Al-shabaab oo doonayay in garoomadaas ka dhoofaan.