Wasiiro iyo xildhibaano ka soo jeeda Waqooyiga Soomaaliya oo qaadacay doorashada 2016 – VIDEO

Shir jaraa’id oo ay caawa ku qabteen magaalada Muqdisho qaar ka tirsan golaha wasiirada dowlada Federalka iyo xildhibaano ka soo jeeda gobolada Waqoyi ayaa ku sheegay inaysan ka qeybgalayn doorashada 2016.

Siyaasiyiinta ka qeybgashay shirkan jaraa’id ayaa waxaa ka mid ahaa Ra’iisal wasaare ku xigeen Maxamed Cumar Carte,wasiirka warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo xildhibaan Fowsiyo Xaaji Aadan iyo qaar kale.

Shirkan jara’id ayaa waxa ay ku tilmaameen in aysan ka qeybgalin doorashada maadaama hore cabashooyin badan ay u gudbiyeen dowlada aysan waxba ka qaban.

Diidmada ka soo yeertay siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolada Waqoyi ayaa culeys kale ku noqonaysa geedi socodka doorashada 2016.