Weerar ka dhacay Faransiiska oo qof ku dhintay

Weerar ka dhacay Faransiiska oo qof ku dhintay

  • Booliiska ayaa gooyay jidkii ka ag dhawaa guriga haweenayda lagu dilayImage copyright AFP
Image caption Booliiska ayaa gooyay jidkii ka ag dhawaa guriga haweenayda lagu dilay

Haweenay mayd ah ayaa la helay ka dib markii nin hubaysan uu galay guri ay dagan yihiin dad hawlgab ah oo horay uga soo shaqeeyay hawlo diimeed .

Meesha uu dhibkaasi ka dhacay waxay u dhawdahay magaalada Montpellier, sida ay ku waramayaan warbaahinta Faransiisku.

Police responded to the incident late on Thursday evening in Montferrier-sur-Lez in the south of the country.

Booliiska ayaa arrintaas ka jawaab celiyay fiid dambe oo habeenimadii Khamiista ah waxayna hawlgalkaas ka sameeyeen Montferrier-sur-Lez.

Ilaa iyo hadda ma jiraan wax tilmaamaya in dhacdadaasi ay fal argagixisanimo tahay, sida ay sheegayaan ilo ka afdhaw baadheyaasha.

Hantidhawrkii gurigaas oo baxsaday ayaa booliiska la xiriiray oo u sheegay in goobtaas uu dhib ka jiro, sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Maydka haweenayda ayaa laga helay banaanka guriga iyada oo la ceejiyay oo laadlaada sida ay saraakiishu sheegeen.

Khariirad

Booliiska ayaa aad u baaray dhismahaas iyo agagaarkiisaba balse ka waayay qofkii laga shakisnaa.