Hoggaamiyihii hore ee Cuba Fidel Castro oo geeriyooday

Hoggaamiyihii hore ee dalka shuuciga ah ee Cuba Fidel Castro ayaa geeriyooday xalay waqti dambe.

Castro ayaa markii uu dhintay xalay jiray da’da 90. Talefishinka qaranka ee Cuba ayaa shaaciyay geeridiisa.

Hoggaamiyehaasi wuxuu ahaa mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha muranka ka dhaliyay caalamka waqtigii uu ka talinaayay dalkaa. Wuxuu ka badbaaday marar badan khaarajin la doonayay in looga takhaluso.

Mareykanka ayaa shirqoolada la damacsanaa in lagu khaarajiyo inuu ka dambeeyay lagu eedeeyay. Marar badan oo kale ayaa asaga oon dhiman inuu dhintay lasoo tebiyay.

Haatan ayaa waxaa lagu soo waramayaa inuu u dhintay xanuun ba’an oo muddo dheer uu la il darnaa.

Hoggaamiyahaa ayaa dalalka soo koraya muddo dheer ku faafinaayay shuuciyada ama hantiwadaagga.

Dalkaasi Cuba ayaa haatan waxaa madaxweyne ka ah walaalkii Raul Castro.