Xildhibaanada Aqalka Sare oo baajiyey ka doodista arrinta Qalbi-Dhagax

Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa maanta u ballansanaa in ayh ka doodaan go’aankii Xukuumadda Federaalku ka qaadatey dhiibtinaakii Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) oo ahaa sarkaal ka tirsanaa jamhadda ONLF.

Fadhiga Xildhibaanada Aqalka sare waxaa soo xaadirey 37 Xildhibaan, waxaana ay ku kala qaybsameen in ay ka doodaan ka hor inta aan Golaha shacabku go’aan ka gaarin go’aanka xukuumadda.

Xildhibaan Col. Axmed Xaashi iyo Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow ayaa si weyn uga ololeynaya in dooda la galo, waxaana ay ku adkeysteen in laga doodo arrinta Qalbi-dhagax.

Shir-guddoonka ayaa dooda cod geliyey, waxaana codeyntu u dhacdey in Aqalka sare aaney ka hadlin ka hor Golaha Shacabka.

21 Xildhibaan ayaa u codeeyey in la sugo go’aanka Aqalka Hoose, halka 11 Xildhibaan ay ay u codeeyeen in dooda la galo, waxaana ka aamusay 5 Xildhibaan.

Sidaas waxaa ku baaqdey doodii Aqalka sare ka yeelan lahaa Qalbi Dhagax.

Fadhigii Baarlamaanka Federaalka ayaa weli u xiran arrimo farsamo, waxaana gacanta la gashey Xukuumadda Kheyre, kadib markii Xildhibaanada Absame ay cabasho u gudbiyeen Madaxweynaha oo uu socdo wada hadal lagu xalinaayo waxa ka dhalan kara go’aankii xukuumadda.