Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo Cambaareysay Xasuuqa Muslimiinta Burma

Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo u warramayay Idaacadda Shabelle ayaa si kulul u cambaareeyay xasuuq aan loo meel dayin oo dowladda Burma ay ku heyso Muslimiinta Ruhinga ee dalkaas ku nool.

Sheekh Nuur Baaruud ayaa xusay in uu aad uga xunyahay dhibaatada lagu hayo dadkaasi Muslimiinta ah oo qaarkood iyagoo nool la gubayo islamarkaana la jar jarayo jirkooda .

Waxaana uu hoosta ka xariiqay in aysan dhaceen arrintaan haddii ay jiri lahayd damqasho ay sameeyaan Muslimiinta.

Dhinaca kale Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa ugu baaqay Muslimiinta in Dibadbaxyo ay ka sameeyaan arrintaas ugu yaraan haddii aysan wax kale awoodin sida uu hadalka u dhigay..

Waddanka Burma ama Meynmar ayaa muddooyinkii dambe waxaa ku sii xoogeysanayay gabood fallada ka dhanka ah dadka Muslimiinta ah ee degan dalkaas.