Xuska Maalinta Kala Korinta Dhalaanka Oo Si Heer Qaran Ah Looga Xusay Magaalada Jigjiga Ee DDSI – SAWIRO

Waxaa lagu qabtay caasimada DDSI gaar ahaan madasha shirarka ee xafiiska arimaha haweenka iyo caruurta munaasabada xuska maalinta kala horinta dhalaanka / qorshaynta qoyska.
Xuskan  maalinta qorshaynta qayska ama kala korinta caruurta  oo markii 26aad laga xusayo caalam ayaa markii ugu horaysay laga xusayaa dalkeena itoobiya laguna xusayaa caasimada deegaanka ee  magaalada jigjiga. Waxaa si wad jir ah u soo agaasimay munaasabadan xuska  wasaarada caafimaadka heer fadaraal, xafiiska caafimaadka DDSI iyo hay’adaha ay bahwadaagta yihiin caafimaadka. Waxaana ka soo qaybgalay munaasabadan xuska  masuuliyiin iyo shaqaalaha  caafimaadka heer fadaraal, heer deegaan iyo heer degmo, xafiiska arimaha haweenka iyo caruurta,  hay’adaha bahwadaagta ay yihiin, culimaa  u’diinka iyo ururad dhalinyarada DDSI.
Waxaana ugu horayntii ka hadlay munaasabadan xuska maalinta kala korinta dhalaanka/ qorshaynta qoyska wasiirka xafiiska caafimaadka mudane Xasan Ismaaciil Cali oo sharax dheer ka bixiyay ahmiyada ay leedahay qorshaynta qoysku ama kala korinta dhalaanku. Wasiirka ayaa ka warbixiyay siyaasada caafimaadka ee deegaanka iyo dalkaba iyo guulaha laga gaadhay adeegyada caafimaadka balse aan wakhiyadii hore muhiimad gaar ah la siin qorshaha qayska ama kala korinta caruurta haddase loo dajiyay qorshayaal lagu hirgalinayo qorshaha qayska/kara korinta caruurta si loo xoojiya caafimaadka hooyada iyo dhalaanka.
Waxaa kale oo ka hadlay munaasabada xuska wasiirka haweenka  iyo caruurta DDSI marwo Raxma Suldaan Maxamuud Haybe waxayna sheegtay in ay farxad u tahay munaasabadan xuska maalinta kala korinta caruurta oo markii ugu horaysay ee laga xuso dalkeena itoobiya lagu qabto caasimada DDSI. waxayna ka warbixisay wasiiradu ahmiyada ay leedahay  kala korinta caruurtu gaar ahaan dhinacyada caafimaadka hooyada, caafimaadka ilmaha.
Munaasabadan oo halku dhig looga dhigaY” qorshaynta qoysku waa aas aaska nolol horumarineed” ayaa Dhankooda culima udiinta deegaanka iyo masuuliyiin ka socday heer fadaraal oo ka hadlay xuskan waxay  ka warbixiyay ahmiyada ay leedahay in la kala koriyo caruurta / qorshaynta qoyska iyo waliba faa’iidooyinka caafimaad ee ay ilmaha u leedahay nuujinta naaska hooyadu.

 

 

ddsi

ddsi1

ddsi3

 

ddsi2