Zakariya Bulxan oo loo haysto dilka haweeney Maraykan ah oo la soo taagay maxkamad

Zakarie Bulxan oo ah wiil 19 jir ah oo asalkiisu yahay Soomali balse haysta dhalasho dalka Norway ayaa la soo taagay maxkamad ku taal magaalada London.

Wiilkan ayaa loo haystaa dilka macalimad howlgab ah oo u dhalatay dalka Maraykanka Darlene Horton iyo iskuday dil Martin Hoenisch, Lillie Selletin, David Imber, Bernard Hepplewhite iyo Yovel Lewronski oo uu ku dhaawacay mindi xilli habeenimo ah magaalada London.

Bulxan oo qoyskiisu ay u soo guureen dalka UK sanadkii 2002dii ayaa waxa ay waalidkiis ku nool yihiin Tooting,south London waxana la soo horistaajiyay Westminster Magistrate Court.

Intii ay maxkamada socotay ayaa la sheegay in Zakariye isagoo afka gacanta saartay uu sheegay magaciisa,da’adiisa iyo halka uu degen yahay, balse waxa uu indhaha ka qabsaday markii la aqrinayay magacyada daka uu waxyeelada u geystey.

Markii la weydiiyay inuu ogyahay dambiga loo haysto ayuu yiri haa isagoo aan afka ka hadlin balse madaxa nuuxiyay.Maxkmada ayaa waxa ay amartay in xabsiga lagu sii hayo Zakariye lana keeno maxkamada saddex maalmood kadib.

Haweeneyda weerarkan lagu diley oo ahayd afada macalin wax ka dhiga jaamacada Florida ayaa dooneysay inay ka dhoofto magaalada London kahor inta aan la dilin.