Gobolka Florida oo cudurka Zika uu ku faafayo

Saraakiisha dhanka caafimaadka ee dalka Mareykanka waxay laba jibaareen digniinaha ay ka bixinayaan halista ay dumarka uurka leh ugu jiraan xanuunka Zika oo ka dillaacay magaalada Miami ee gobolka Florida.

Khubarada xarunta ka hortagga iyo xakamaynta cudurada CDC, ayaa ku wajahan magaalada Miami si ay u xoojiyaan xakameynta looga hortagayo inuu cudurka faafo.

Zika waxa uu leeyahay dhibaato weyn oo caruurta ay ku dhashaan oo ay ka mid tahay madaxyaraan.

Maamulka waxa ay sheegayaan in 14 qof ay qaadeen caabuqa kadib markii ay qaniintay kineecada deeganka ku sugan.

Dhammaan kiisaska cusub waxaa lagu arkay degmada Miami-Dade ee Florida.

Xarunta CDC waxa ay kula talineysaa dumarka uurka leh inaysan magaaladaasi aadin, lamaanayaasha dhowaantan tagay halkaasina waxay u sheegeen inay ka fogaadaan galmo ama uur, ugu yaraan laba bilood.

Digniinada safarada ee Zika la xiriira waxa ay ka dhaqan galeen qeybo kamid ah bartamaha iyo koofurta Amerika, Caribbean-ka iyo Cape Verde.

Gobarnatooraha gobolka, Rick Scott, waxa uu ku baaqayaa in khubarada ay u degdegaan baaritaanka looga hortagayo Zika.

Waxa uu muujiyay sida uu uga niyad jabay in aqalka Congress-ka uusan meelmarin dhaqaale lagula dagaallamo caabuqa Zika.