
Booliska dalka Belgium ayaa toogasho ku diley nin ku hubeysnaa baangad ama maqar kaasoo ku dhaawacay labo haween ah oo ka tirsan ciidamada Booliska magaalada Charleroi 38 Mile koofurta ka xigta caasimada Brussels.
Labada askari ee ka tirsanaa ciidamada Booliska ee lagu weeraray baangada ayaa la sheegay in aysan xaaladoodu ahan halis. Qofka wax weeraray oo aan la shaacin magaciisa ayaa la sheegay in uu ku qeylinayay “Allahu Akbar” markii uu weerarayay labada haween oo ka tirsanaa ciidamada Booliska kuwaasoo ku sugnaa afaafka hore ee saldhig Boolis.
Ra’iisal Wasaaraha Belgian Charles Michel ayaa sheegay in tilmaamaha soo baxaya a u muuqdaan in weerarka uu ahaa mid argagaxiso.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in ra’iisal wasaaraha uu soo gaabiyay fasax uu ku qaadanayay Koofurta Faransiiska waxana lagu wadaa in uu la yeesho kulan deg-deg ah golaha ammaanka qaranka dalka Belgian subaxnimada Axada.
Magaalada Charleroi ayaa u ahaan jirtey saldhig qaar ka mid ah kooxdii weerarka ka geysatay magaalada Paris November 2015 iyo weliba magaalada Brussels horaantii sanadkan.
Wakaalada wararka ee dalka Belgian ayaa sheegtay in mid ka mid ah labada haween ee ciidamada Booliska ka tirsanaa ay mid kamid ah qabto dhaawac fudud halka askariyada kale ay u baahan tahay in laga daweeyo dhaawac ka soo gaaray wajiga.
Labada haweenka ciidamada ah ayaa ku jirey howlmaalmeedkoodii caadiga ahaa iyagoo ilaalo dheeri ah ka ahaa xarunta ciidamada Booliska ee magaalada Charleroi. Hase yeeshee askari kale oo ku sugnaa meel aan ka dheereyn ayaa toogasho ku diley ruuxii weerarka geystey.