Mareykanka oo muddo 20 sanno kaddib ka qaaday cunaqabatayn dhaqaale ee dalka Sudan
Ka qaadista cunoqabataynta ayay dowlada Mareykanka ku tilmaantay inay ka dhalatay kadib markii ay dowlada Sudan qaaday tallaabooyin ay wax uga qabanayso dhibaatooyinka iyo colaadaha ka jira qeybo ka mid ah dalkeeda ayna kala shaqeysay dowlada Maraykanka sidii loo xalin lahaa khilaafaadka ka jira gobolka iyo weliba halista argagaxisada.
War ay soo saartay afhayeenka Wasaarada Arrimaha Dibada Mareykanka Heather Nauert ayaa lagu sheegay in cunoqabataynta si rasmi ah loo qaadi doono 12ka bishan Octobar 2017.
Balse wadanka Sudan ayaa weli ka sii mid ahaan doono wadamada ay dowlada Mareykanka u aqoonsan tahay in ay caawiyaan argagaxisada sidaa darteedna cunoqabataynta hubka lagama qaadi doono dalka Sudan.
Ka qaadista cunoqabataynta dalka Sudan ayaa waxaa bilaabay dowladii hore ee uu madaxda ka ahaa Barack Obama.