Goorma ayuu Trump arkay xeebaha Kuuriyada Waqooyi?

Kulankii dhexmaray madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un waxa uu ahaa mid taariikhi ah, balse taariikhdaasi ka sokoow iyo waxyaabihii laga wada hadlay, waxaa jiray waxyaabo kale oo xiiso gaar ah leh oo meesha ka dhacay.

1. Xeebaha

Ka hor intii uusan noqon madaxweyne, Trump waxa uu ahaa ganacsade caan ah oo guryaha ka ganacsada, markaas la yaab ma lahan in wax kasta indhaha uu ku eegayo ay noqdaan kuwa ganacsi.

Sidaasi oo ay tahay la yaab ayay ahayd in uu sheego in xeebaha Kuuriyada Waqooyi ay yihiin kuwa nadiif ah, kuna habboon dalxiiska, fursado ganacsina usoo jiidaya dalkaas.

” Waxay leeyihiin xeebo wanaagsan, waxaadna taas arki kartaa marka ay gantaalada ku ganayaan badaha, waxaan aniga iri ‘bal eega muuqaalkaas, miyaysan ahayn xeeb wanaagsan” ayuu Trump ku yiri wariyeyaasha.

Hadalka Trump ka sokow, dowladda Maraykanka waxa ay muwaadiniinteeda uga digtaa in ay u safraan Kuuriyada Waqooyi, haddii ay ku madax adeegaan in ay aadaane ay marka hore dardaarmaan.

2. Sawir fiican aan galno

Ka hor shirka, Trump waxa uu wariyeyaasha kula kaftamay sawir qaadayaasha “Waxaan rabnaa sawir qof kasta, si aan kuwa qurux badan u noqono, islamarkaasna u muuqda in aan caato nahay”.

Waxay u ekeyn in Kim uusan fahmin hadalka marka laga qiyaas qaato falcelintiisa.

Horey Trump waxa uu Kim ugu caayay in uu yahay ‘nin buuran’.

3. Video

Waxaa warbaahinta loo shiday muuqaal afar daqiiqo ah oo ku baxaya luuqadaha English-ka iyo afka Kuuriya oo uu Trump sheegay in uu daawadsiiyay Kim. Qofka muuqaalka daadihinaya ayaa dhahaya “Suurtogal ma tahay in hoggaamiyaha uu horumarin doono dalkiisa… salaanta ma keeni doontaa nabad iyo barwaaqo aanan horey loo arag?, waddadee ayuu dooran doonaa?.

Lama oga ujeedka rasmiga ah ee muuqaalkan laga lahaa, balse waxa uu muujinayay in kooxda Trump ay kusoo talogaleen wax kasta iyo qaab kasta oo ay ku qancin karaan Kim.

4. Baabuurka ‘The Beast’

Shirka kadib, Trump waxa uu go’aansaday in uu Kim tuso baabuurka madaxweynaha ee gaarka ah ee lagu magacaabo ‘The Beast’, iyada oo ay kaamarooyinka warbaahinta dabo galeen labada hoggaamiye oo gaariga labada dhinac kaga wareegsaday.

Waa baabuur gaashaaman oo leh adeegyo badan, xabbadda aysan karin, ku xirantahay isgaarsiin casri ah, looguna talogalay in uu madaxweynaha ku badbaado haddii uu dhib soo wajoho.

5. Qalmaanta

Qalmaanta dhulka ayay iska yiileen markii hore kahor intii aanan la sixiixin waraaqaha, balse markii la gaaray saxiixa, gabadha la dhalatay Kim ayaa qalmaantii isku badashay, oo Kim siisay mid aan ahayn kii loogu talogalay.

 

Inkasta oo ammaanka Kim aad loo adkeeyay, haddane lama oga in sababta qalinka loo badalay ay la xiriirto arrin amni.

6. Illin

Inkasta oo la qiyaasi karay in kulanka ay la socotay shucuur kala duwan, haddane hal nin ayaa u muuqday in uu is hayn waayay, islamarkaasna ilmeeyay.

Wuxuu sheegay in dad badan ay ugu hanjabeen in ay dili doonaan markii uu la kulmay Kim Jong-un, balse hadda madaxweynaha Maraykanka uu la kulmayo ninkii isaga lagu haystay la kulankiisa.