
Ugu yaraan 23 ruux, ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ku dhimatay, halka 70 kalana ay ku dhaawacantay, markii maanta uu dab wayn ka kacay warshad samaysa baakadaha, iyadoo uu khasaaruhu ka badan karo inta iminka la’ogyahay.
Saraakiisha Bangladesh, ayaa waxay sheegeen in dabku uu ka dhashay qarax ka dhashay haan, isla-markaana uu ku fiday dhammaanba dhismaha warshadda.
Shaqaalaha gaadiidka dab demiska oo goor dambe gaaray halkaasi, ayaa waxay xaqiijiyeen in dabka la xakamayn kari waayay, intii uu kaga fidaayay dhammaanba dhismahaasi.
Shaqaalahan, ayaa kol dambe ku guuleystay in ay demiyaan dabkaasi, balse waa markii uu cagta mariyay qaybaha uu ka kooban yahay warshadaasi oo samaysa baakadaha alaabta cusub.