Afar musharaxiin oo ay ka mid yihiin Bashiir Raagge, Tarsan, Ameeriko iyo C/naasir Cabdulle oo is diiwaan geliyay maanta.

Illaa Afar Musharax ayaa saacadihii hore ee maanta oo Sabti ah iska diiwaan geliyay Guddiga doorashooyinka Madaxweynaha, iyadoo maalinta berri ay ku egtahay waqtiga loo qabtay in Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha isku diiwaan geliyaan.

 

Musharaxiinta saaka is diiwaan geliyay, ee buuxiyay shuruudahooda, isla markaana shubay lacagta loo qoondeeyay Musharaxiinta ee ah $30,000 ayaa waxay kala yihiin Maxamuud Axmed Tarsan, C/naasir Cabdulle, Bashiir Raagge Shiiraar iyo Amb. Maxamed Cali Ameeriko.

Guddiga doorashooyinka Madaxweynaha ayaa ansixiyay Musharaxnimada afartan ruux, iyadoo la siiyay shahaado cadeyneysa Musharaxnimadooda.

Ilo ku dhow dhow Guddiga doorashada Madaxweynaha ayaa u xaqiijiyay Jowhar.com in ku dhowaad 10 Musharax ay is diiwaan geliyeen, iyadoo la filayo in Musharaxiin dhowr ah gelinka dambe ee maanta illaa berri gelinka hore inay is diiwaan geliyaan.

Musharaxii u horeeyay ee is diiwaan geliyay waxaa uu ahaa Shariif Sheekh Axmed oo maalintii khamiistii iska xaadiriyay Guddiga doorashooyinka, sidoo kale waxaa iyana is diiwaan geliyay Cumar C/rashiid, C/qaadir Cosoble iyo Maxamuud Maxamed Culusow.

Warar kale ayaa iyana sheegaya in maalinimadii shalay jimco aheyd uu is diiwaan geliyay Madaxweyne Xasan Sheekh, inkastoo la sheegayo in shahaadadiisa Musharaxnimada uu u qaaday Wakiil ka socday.

Diiwaan gelinta Musharaxiinta ayaa la filayaa in maalinta berri oo ku beegan 29 January la soo gaba gabeeyo.

Doorashada Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inay dhacdo 10 maalmood kaddib, taasoo ku beegan 8-da bisha Febraayo ee soo socoto.

Magacyada Musharixiinta Madaxweyne ee Iswiiwaan galiyay

1-Sheekh Shariif Sheekh Axmed
2-C/qaadir Cosoble Cali
3-C/rashiid Cali Sharmaake
4-Maxamuud Maxamed Culusow
5-Bashiir Raage Shiiraar
6-Maxamuud Axmed Nuur”Tarsan”
7-Maxamed Cali Ameeriko
8-Cabdi Naasir Maxamed Cabdulle