Canada oo Wax Ka Baddaleysa Taageerada ay Bixiso (Dhegeyso)

Dawlada dalka Canada, waa dawlada cusub ee dalkaase ayaa sheegtay inay wax ka baddalayso deeqda baniaadminimo ee ay caalamka intiisa kale siiso. Haatan ayaa dawlada dalkaasi waxay wadaa qorshe lagu xaqiijinaayo in wax laga baddalo qaabkaa dalkaasi kusiiyo caawimaada dalalka kale ee caalamka khaasatan dalal gaaraya ilaa 20. Wada hadalo amuurtaa kusaabsan oo ay ka qeyb qaadanayaan xubno dawlada ka tirsan iyo xildhibaano baarlamaanka dalkaa ka tirsan ayaa dhawaan lagu qabtay caasimada dalkaa ee Toronto. Dalka Canada ayaa deeqo siiya caalamka intiisa kale gaar ahaan dalalka dunida saddexaad sida dalalka Afrika.