17 Askari Oo AMISOM Ah Oo Ay Ku Jiraan Saariil Ka Tirsan Ciidanka AMISOM Oo lagu Maxkamadeynayo Muqdisho

Waxaa Magaalada Muqdisho ka socota maxkamadeynta ciidamo katirsan AMISOM, oo horey ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ay soo qabteen iyaga oo iibinaya raashin iyo shidaal loogu talo galay AMISOM.

Ciidamada AMISOM ee la maxkamadeynayo ayaa gaaraya ilaa iyo shan askari, waxaana mid mid loo weydiinayaa Su’aalaha, iyadoo wali ay socoto maxkamadeyntooda.

Ciidanka la qabtay iyagoo iibinaya shidaal iyo raashin AMISOM ay leedahay waxaa maxkamadeynaya maxkamada ciidamada Uganda,waxaana Maxkamadeynta ay ka socotaa Xarunta Ciidamada AMISOM ee Xalane.
Sidoo kale marka laga soo tago Shanta Askari ee lagu Maxkamadeynayo Xarunta AMISOM ee Muqdisho ayaa waxaa jira Saraakiil iyo Ciidamo kale oo iyaguna Maxkamadeyntooda ay ka socoto Muqdisho,waxaana wadarta Guud ay gaarayaan 17 sida aan ka soo xiganay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA.

Weli waxaa Socota Maxkamadeynta 17 Askari oo ay ku jiraan Saraakiisha Ciidamada AMISOM qaar kamid ah,iyadoo waxii ku soo kordha aan idiin soo gudbin doono Insha Allah Isha ku hay boramanews.