Shirka Madasha Wada-tashiga oo maanta laga soo saarayo Jadwalka Doorashada

Shirka Madasha Wada-tashiga Qaran oo shalay ka furmay magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu wadaa in la soo gaba gabeeyo, iyadoo go’aan laga gaari doono xilliga ay dhaceyso doorashada.

Madaxda Madasha ayaa wali rasmi ahaan isku afgarin mudada dib loo dhigayo doorashada, balse waxaa jira soo jeedino kala duwan oo waqtiga doorashada la qabanayo ku saabsan.

Arrimaha laga doodayo ayaa ah kuwo farsamo, waxaana Madaxda dowladda Dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada la sheegay inuu waxooga is jiid jiid ka dhaxeeyo, gaar ahaan arrinta la xiriirta sameynta Guddiyada doorashada wadaya, sida Guddiga khilaafaadka iyo Guddiyada doorashada heer maamul goboleedyada.

Warar horu dhac ah oo la helayo ayaa sheegaya in doorashada dib loo dhigi doono, ilaa hal bil ama labo bil, si howlaha harsan lagu qabto.

Guddiga Hirgelinta doorashada ee heer Federaal ayaa shalay u gudbiyay Madaxda Madasha qorshayaashooda la xiriira doorashada, balse rasmi ahaan kuma waafaqin Madaxda soo jeedintooda.

Sidoo kale arrinta kale ee muhiimka ayaa ah dhaqaalaha ku baxaya doorashada, kaasoo aan wali la isku raacin, waxaana shirka maanta goob joog ka noqon doona Beesha Caalamka oo shalay furitaankiisa ka qeyb gashay, isla markaana ka soo baxday.

Dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka ayaa waxaa bixinaya Beesha Caalamka, balse waxaa la ogeyn qiimaha ku baxaya doorashada, mana jirto wax la isku raacay ama dhaqaale la soo bandhigay.

Madaxda Madasha Wada-tashiga qaran ayaa xalay kulamo gaar gaar qaatay, iyadoo la sheegay in qodobo dhowr ah oo dhinaca farsamada isku afgartay.

Gelinka dambe ee maanta ayaa lagu wadaa in shirka laga soo saaro War murtiyeed ku saabsan xilliga ay dhaceyso doorashada.