Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobeey u qaabilsan Suuriya oo amaantay sida ay u dhaqan gashay xabad joojinta Suuriya

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobeey u qaabilsan Suuriya, Staffan de Mistura, waxa uu sheegay in xabad joojinta ku meelgaarka ah ee Isniintii dhaqan gashay ay dhalisay in si wanaagsan ay colaadaha u istaagaan.

Waxa uu tilmaamay in muhiimadda hadda ay tahay in kolonyo gaadiid oo gargaar sida la gaarsiindoono bariga magaalada Xalab, halkaas oo mucaaradka ay maamulaan.

Staffan De Mistura waxa uu hadalkaasi ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Geneva.

Balse, wasiirka arriamaha dibadda ee Suuriya ayaa sheegay in ogolaanshiya la’aan aanan gargaar la gaarsiin karin Xalab.

Caruur ayaa la arkay ayagoo jidadka ku ciyaaraya kaddib markii duqeynta ay ka istaagtay qeybo badan oo Xalab ay kamid tahay.

Laakiin Ruushka waxa uu mucaaradka ku eedeynayaa in labaatan carqalad ay dalka oo dhan ka sameeyeen. Waxay maamulka Washington ka doonayaan inay xakameeyaan ururada ay taageeraan.

Hase yeeshee, Afhayeen u hadlay Mareykanka, Mark Toner, waxa uu sheegay in Ruushka iyo Mareykanka ay si wada jir ah u eegayaan sii socoshaha xabad joojinta.