Manchester United oo garaacday Leicester City

Manchester United ayaa dhulka ku jiiday kooxda Leicester City ee difaacanaysa koobka horyaalka Ingiriiska, iyada oo tababare Jose Mourinho uusan ciyaarta ku bilaabin Wayne Rooney.

Chris Smalling ayaa goosha koobaad madaxa ugu dhaliyay United ka hor inta Juan Mata uusan labaynin.

Paul Pogba oo gooshii koobaad United u dhaliyay iyo Marcus Rashford ayaa ciyaarta ka dhigay 4 iyo eber balse goosha kali ah ee ay Leicester la timid waxaa u dhaliyay Demarai Gray, gooshaas ayaa ahaydse mid aad u qurux badan.

Rooney ayaa ciyaarta soo galay daqiiqadii 83-aad

United ayaa ciyaartii u horaysay ee horyaalka Ingiriiska ka tirsan badisay muddo bil ah, balse badintii saddexaad ee soo wajahday kooxda Leicester ayaa u dhiganta intii jeer ee laga badiyay xilli ciyaareedkii hore oo ay koobka hanteen

 

 

.