Markab Xamuul Ah Oo Sida Daroogo Shixnad Hub Ahna U Siday Kooxda Alshabaab Oo La Qabtay Iyo Warar Kasoo Baxaya

Ciiddamo ka socday Hay’adda Sirdoonka Kenya iyo Saraakiil Maraykan ayaa gacanta ku dhigay Markab lagu magacaabo MSC Posetano, kaasi oo waday Daroogo lagu qiimeeyey lacag dhan 360 million oo Shillinka Kenya.

Markabkaasi waxaa kaloo lagu tuhunsan yahay inuu Shixnaad hub ah u soo daabulay Xarakadda Alshabaab, waa sida lagu xusay Warbixintaasi oo maanta lagu soo daabacay Wargeyska The Star ee ka soo baxa Nairobi.
Markabka MSC Posetano oo bishii hore ee July 27-dii ku soo xidhay Dekedda magaalladda Mombasa, waxaa laga helay 100 Kiilogaram oo Daroogadda Cocaine lagu soo dhex qariyey shixnad Sonkorta midabka buniga leh ee aan weli la wershadaynin ee loo yaqaano Brown Sugar.
Markabkaasi oo waday 520 kiish ee Sonkorta Buniga ayaa ku sii jeedaydalka Uganda.
Saraakiisha Ammaanka ee Maraykanka ayaa rumeysan inuu Markabku waday Hub iyo Daroogo, isla markaana ay taasi sababtay in si degdeg ah lagu soo qabto Markabkaasi oo marayey meel ka baxsan Badda Kenya.
Dhinaca kale, Ku-simaha Hay’adda Baddaha ee Kenya, Cosmos Cherop ayaa sheegay in Markabkaasi lagu qabtay Badda Kenya, xilli uu ka yimid Dekedda magaalladda Muqdisho, kuna soo jeeday Dekedda magaalladda Kismaayo.
Mas’uulkaasi wax faahfaahin ah kama bixinin tirada Shaqaalaha la socday Markabka iyo  Dekedda kale ee uu Markabku ku xidhan lahaa.